4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Napoli


Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ee booqashada ku jooga Talyaaniga ayaa maanta booqday Jaamacadda Napoli oo ku taalla magaalada Napoli halkaasoo jaamacadaha ku yaalla wax looga barto afka Soomaaliga.

Mudane Jawaari iyo wafdiga la socda waxay ugu horreyn booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismaha Jaamacadda, iyagoo si gaar ah u booqday halka ay ku keydsan yihiin buugaagta quseeya barashada taariikhaha Islaamka, Qaaradda Afrika iyo buugaag si gaar ah uga hadleysay afkeenna Hooyo iyo aas-aaska barashadiisa kuwaasoo af-Soomaali ku qoran.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hool ku yaalla gudaha Jaamacadda khudbad luqadda Talyaaniga ah ugu jeediyay boqollaal arday ah oo wadammo kala duwan u dhashay; wuxuuna khudbaddiisa uga hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, sidoo kalena wuxuu maamulka Jaamacadda Napoli ku boorriyay inay sii wadaan afka Soomaaliga oo wax lagu barto.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay oo iyana khudbaddo luqada Talyaaniga ah ka jeediyey isla markaana ka jawaabay qayb ka mid ah su’aallihii ay ardaydu weydiiyeen guddoomiyaha iyo wafdigiisa xildhibaannada kala ah: Prof Cabdirisaaq Jurille, Prof. C/laahi Sheekh Ismaaciil, Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle iyo xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdiga uu horkacayo ay kulan la qaataan jaalliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya