4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Shil ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ee duleedka Muqdisho, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 25-qof oo kale.

Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah oo ka yimid gobollada Koonfureed ee dalka iyo gaari caasi ah oo kusii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jireen rakaabkii kala saarnaa labadan gaari.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in shilka uu ahaa mid fool xun ayna arkeen dhimasho dad badan oo isugu jiray rag iyo dumar, iyadoo dhaawacyadii shilkanna la geeyay isla shalay gellinkii dambe Isbitaalada Muqdisho.

Howl-wadeennada Isbitaalka Madiina ee Muqdisho ayaa u sheegay warbaahinta in dadka dhintay qaarkood uu jiiray gaariga weynl, halka kuwo kalena uu si xun ugu dhacay.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee dhawaanahan ka dhaca waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo deegaan u ah dad badan oo shacab ah oo qaarkood horay uga barakacay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya