4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Ra’iisul Waasaraha Somalia oo la kulmay Waxgarad iyo Haween (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii saddexaad howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa kulamo kala duwan la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kulanka hore ayuu ra’iisul wasaaruhu la qaatay odayaasha Jubbooyinka kuwaasoo ka kala yimid gobolada Jubbada Hoose, Jubbadda dhexe iyo Gedo, wuxuuna kala hadlay arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta gobolladan iyo sidii odayaasha dhaqanku qayb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhaweynta beelaha ku wada nool gobolladan.

"Dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka waa dad walaalo ah oo weligoodba wada degenaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku ahaydeen," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladdu ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Kulankii labaad ayuu ra’iisul wasaaruhu la qaatay haween ka kala yimid gobollada Jubboyinka iyo Gedo, isagoo kula dar-daarmay inay hormuud u noqdaan dib u heshiisiinta iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku dhaqan saddexdan gobol.

"Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka ah, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan dib u heshiisiinta iyo dhameynta khilaafaadka ka dhex-jira dadka ku dhaqan gobolladan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo la hadlayay haweenka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Odayaasha iyo haweenka gobolladan ayaa gaba-gabadii u balan qaaday ra'iisul wasaaraha inay garab-istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, si loo gaaro Soomaaliya oo xasilloon aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulammo aan kala joogsi lahayn la leh hoggaanka maamulka Jubba, waxaana la filayaa in marka ay kulammadan soo gaba-gaboobaan warbaahinta si rasmi ah loogu soo gudbiyo natiijada wada-hadaladan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya