4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Puntland oo ka Hadashey la Wareegitanka ciidanka Soomaaliland ee Taleex

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) - Puntland ayaa markii ugu horreeysay ka hadashey ciidamo ka tirsan Soomaaliland oo maanta la wareegay degmada Taleex ee gobolka Sool,waxaana degmada ay ka mid tahay deegaannada ay labada maamul ku muransanyihiin.

War-saxaafaded ka soo baxay shir ay golaha wasiirrada Puntland ka yeeshen arrimaha Taleex ayey ku sheegen in si gardaro leh ay Soomaaliland ugu soo xad-gudubtay deegaanno ka tirsan Puntland.

Hoos ka akhriso war-murtiyedka ka soo baxay Puntland:-


Maanta oo ay taariikhdu tahay 15kii April , 2014, ciidamada maamulka Somaliland  waxay si gardara leh ugu soo xadgudbeen deegaano ku dhow Degmada Taleex oo ka tirsan Puntland, kuwaasoo  wali sii wada xadgudubyada ay ku hayaan dadka iyo dalka  reer Puntland.


 Gardaradan iyo daandaansiga , Golaha Wasiirada  Dawlada  Puntland shirkii ay iskugu yimaadeen  waxay kasoo saareen qodobadan soo socda:

1.Dowlada Puntland waxay si kulul u canbaaraynaysaa xadgudubka qaawan ee maamulka Somaliland , waxayna uga digaysaa Dawlada puntland cawaaqib xumada ka iman doonta gardaradooda.

2.Puntland waxay in badan ku baaqaysay ilaalinta nabadda iyo daris wanaaga; hadii taa la waayo,  Puntland waxay diyaar u tahay inay daafacdo dadkeeda iyo dalkeeda.

3.Waxaan uga digaynaa maamulka Siilaanyo taageerada, taakulaynta iyo la shaqaynta kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab oo liddi ku ah nabada iyo xasiloonida Puntland,  Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

4.Daan daansiga maamulka Siilaanyo ee uu kusoo qaaday deegaamada Puntland, wuxuu salka ku hayaa fashilka siyaasadeed ee ka haysta gudaha maamulkiisa si uu u  jaah-wareeriyo shacabkiisa.

5.waxaan ogaysiinaynaa Wadamada Ururka IGAD, Midowga Afrika, iyo beesha caalamka in Puntland aanay u dulqaadan doonin gardarada joogtada ee maamulka Siilaanyo iyo wada shaqaynta uu la leeyahay Al-Shabaab.

Ugu dambayntii  waxaan beesha caalamka ka codsanaynaa in arintan talaabo deg deg ah laga qaado.


Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Somalia