4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Xamarweyne oo Maanta Xilka la Wareegay


Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar-weyne ayaa maanta kula wareegay xilka munaasabad ka dhacday xarunta degmadaas, taasoo ay ka qaybgaleen guddoonka gobolka Banaadir, saraakiisha ciidamada, shacabka degmada iyo xubno kale oo lagu casuumay.

Ugu horreyn, waxaa munaasabadda ka hadlay, Maxamed Bin Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Xamar-weyne, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan maamulka cusub ee degmada, isagoo ku amaanay maamulkii hore wax-qabadkii uu sameeyay.

Guddoomiyihii hore ee Xamar-weyne, C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, wuxuuna xusay inay ka mid ahaayeen waxyaabahaas dib u dhiska kawaanka hilibka, kawaanka kalluunka, dayactirka masjidka Xaaji Cali, tirikoob ay ku sameeyeen shacabka degmada iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale, Cabdullaahi Gardhuub ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay is bedelka socda, isagoo ballanqaaday inuu la shaqeyn doono maamulka cusub ee maanta uu ku wareejiyay xilka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed C/qaadir oo isna hadlay ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo maamulkii hore iyo wixii uu uu qabtay. Wuxuuna intaas kaddib ka hadlay qorshayaasha uu hiigsan doono oo ay ugu horreeyaan xoojinta amniga, ka shaqeynta horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshada, wuxuuna shacabka degmada ka codsaday inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee loo dhiibay.

Cabdiqaadir ayaa ka digay in hub lagu dhex sito goobaha shacabka, isagoo intaa raaciyay in maalmaha soo socda degmada Xamar-weyne laga dareemi doono is-bedello badan.

Afhayeenka iyo xoghayaha gobolka Benaadir, Maxamed Sheekh Cilmi oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dar-daarmay guddoomiyaha cusub inuu noqdo mid qaata talada dadka degmada ku nool.

Guddoomiyaha degmada Xamar weyne ayaa noqonaya qofkii u horreeyay ee ka soo jeeda beelaha Banaadiriga oo muddo 23-sano kaddib ah loo magacaabo inuu noqdo guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, iyadoo shacabka degmadaasna ay soo dhaweeyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya