4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Dowladda Soomaaliya oo Guddoomiye Cusub u magacowday Gobolka Hiiraan

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mar kale waxaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan loo magacaabay in uu  noqdo C/fitaax Xassan Afrax.

Labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa siweyn looga hadal hayay magaalada Beledweyne in mar guddoomiyaha gobolka Hiiraan loo magacaabayo C/fitaax Xassan Afrax  oo  9-kii bishii Abriil ee sanadkii hore  xilka ku wareejiyay guddoomiyaha xilka laga qaaday Cabdi Faarax Laqanyo.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri: ''Kaddib markii uu ogaaday madaxweynaha in uu dhamaaday waqtigii ku-meel-gaarka ee maamulka xiligan ka jira gobolka, iyadoo la tixgalinayo  baahida loo qabo dhismaha maamulada gobollada iyo degmooyinka, si mustaqbalka ay u dhismaan maamul gobolleedyada, laga bilaabo maanta  waxaa ay dowladda xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan u maacaawday C/fitaax Xassan Afrax.

Marka laga soo tago C/fitaax in uu horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan sidoo kale wuxuu madax kasoo noqday maamulkii Dooxada Shabeelle  oo wada xaajood ay la gashay dowladdii Shariif Sheekh Axmed kadib loo magacaabay loo magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Magaabistan cusub ayaa ku soo beegantay xili qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgalo ka dhan ka ah Al-shabaab, waxaana bishii hore Al-shabaab lagala wareegay gacan ku heynta degmooyinka Buula-burte iyo Maxaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya