4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Ciidammadii ku sugnaa Goob-weyn oo dib loogu celinayo Degmada Kismaayo

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Wasiir kuxigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ahaa wafdigii uu hogaaminayay ra'isul wasaaraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kismaayo oo warfidiyeenada kula hadlay gudaha xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa ka warbixiyay wadahallo ay maalmihii u danbeeyay lahaayeen wafdiga ra'isul wasaaraha iyo masuuliyiinta maamulka Jubba.

Masuulkan ayaa sheegay in la isku fahmay qodobadii ay ka wada hadleen dowladda iyo maamulka Jubba oo ay kamid tahay arinta dekedda iyo garoonka, soo xareynta ciidamada iyo arimo kale.

Mudane Ismaaciil Shuuriye ayaa sheegay in lasoo xareyn doono ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 10 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, kuwaasoo uu hogaamiyo, Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay u saartay soo xareynta ciidamadaasi gudi ka kooban 15 xubnood, waxaana gudigaasi ay maanta booqdeen deegaanka Goobweyn iyagoo kulamo la soo qaatay saraakiisha hogaamisa ciidamadaasi.

Wasir kuxigeenka wasaaradda macdanta, biyaha iyo bay’ada Mudane Max’ed Nuur Buulle (Dhaay) oo ka mid ahaa gudigii maanta booqday deegaanka Goobweyn ayaa HOL u sheegay in ay bilaabatay howshii soo xareynta ciidamada ku sugan duleedka Kismaayo.

“Ciidamada dhamaantood waa la soo xareynayaa, howsha soo xareyntana maanta ayay noo bilaabatay, waxaana la dajin doonaa xarunta Jaamacadda Kismaayo,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Dhinaca kale, raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay ilaa maanta wada kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayo odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, kuwaasoo uu kala hadlo sidii ay isku cafin lahaayeen islamarkaana ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya