4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Ciidamada Somaliland oo Maanta Qabsaday Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Ciidamada Somaliland ayaa gudaha u galay degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaa oo xarun u ahayd maamulka Khaatumo oo kasoo horjeeday maamulka Somaliland.

Afhayeenka ciidamada Somaliland, Cismaan Cabdullaahi Siciid ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada Taleex, iyadoo wararku ay sheegayaan inay iska-horimaadyo kooban ay dhaceen.

Degmada Taleex ayaa waxaa maalmahan ka taagnaa xiisado, inkastoo ay ka dhawaajisay Somaliland inay gudaha u galeen, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan dagaalladii dhacay.

“Ciidamada Somaliland ayaa gudaha u galay Taleex, waa deegaanno ka mid ah kuwa Somaliland, si nabadgalyo ah ayayna halkaas ku joogaan,” ayuu qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Somaliland.

Maamulka Khaatumo iyo Puntland ayaan weli ka haldin qabsashada degmadaas, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidammo ka socda Somaliland ay gudaha u galaan degmadaas.

Dhanka kale, Maxamed Cabdullaahi oo u warramay wariyaha HOL ee gobolka Sool ayaa sheegay inay dhaafeen 60-gaari kuwaasoo maray waddooyinka u dhexeeya degmada Taleex iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Qax ayaa ka billowday degmada Taleex, iyadoo dadku ay raadsanayaan meel ay kaga nabad-galaan colaada laga baqdin qabo inay degmadaas ku dhexmaraan ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo iyo kuwa Puntland.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu ciidammo u diray degmadaas, inkastoo aysan jirin il rasmi ah oo maamulkaas ka tirsan oo xaqiijinaya arrintan, waxaana dad badani is weydiinayaan sababta ay uga gabanayaan iyadoo Taleex ay 80-km oo keliya u jirta magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya