4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Dowladda Kenya oo sheegtay inay diyaarisay ciidan ka hortaga Argagaxisada

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ciidan ahaan u qorotay 10,000 -oo askari oo kamid noqon doona ciidamada amniga dalkaas ,iyada oo ay ka howl-gali doonaan qaarkood xuduudda uu wadankaas la leeyahay wadamada dariska ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in ciidamadan ay kaalin muhim ah ka qaadan doonaan xaalada dalka ,isla markaana waqti adag uu ku jiro amniga Nairobi oo ay falal argagaxiso ah ka dhaceen sanadihii ugu danbeeyay.

"Marnaba wada-hadal lama gali doonno argagaxisada ,waa in aan ula dagaalannaa sida ugu macquulsan ee waliba aan ku guulaysan karno "ayuu yiri Rutto oo ciidamada cusub kula hadlayay Nandi County  ,isagoo wax laga xumaado ku tilmamay in Kenya ay dhibane u noqoto weerarro argagaxiso .

"Waxaan ballan qaadnay inaan hormarino nolosha dadka wadankan u dhashay ,balse taasi ma dhacayso hadii aynaan si wadajir ah u wada shaqaynin "ayuu hadalkiisa ku daray Ruto oo tilmaamay in ay samayn doonaan wax kasta oo u wanaagsan Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka gaabsaday in uu si faah-faahsan uga hadlo xarigga lagu hayo boqolaal Soomaali ah oo ku noolaa Nairobi, kuwaasoo qaarkood la sheegay in ay yihiin qaxooti aan wax danbi ah galabsan.

Ugu dambeyn, falalka argagaixso ayaa la xusay inay aad ugu soo badanayeen gudaha Kenya ilaa iyo sanadki  2011-ka,waxaana arintan loo sababaynayaa ciidamada ay  dowladda u dirtay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howl-galka AMISOM.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]