4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Wasiirka Afrika ee Britain oo Muqdisho yimid lana kulmay Madaxda Dowladda


Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain, Mark Simmons ayaa ku yimid maanta Muqdisho booqasho, isagoo kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: wasiiradda arrimaha dibadda, Garsoorka & Dastuurka, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo kan Amniga. Kulankan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta iyo qorshaha fog ee 2016-ka oo uu madaxweynuhu sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in doorashooyin xor ah dalka ka dhacan sannadka 2016-ka.

 “Dowladda Britain waxay hormuud ka tahay dadaalka beesha caalamka ay ku doonayaan in Soomaaliya ay xasisho, isla markaana ay ku taageerto qorshaha dowladda. Britain waxay labadii sano ee lasoo dhaafay qabteen shir caalami ah oo Soomaaliya looga hadlayo oo ujeeddadoodu ahayd in indhaha caalamka loo soo jeediyo Soomaaliya oo keenay in beesha caalamka ay sidoo kale qabtaan shirar kale sida kii Yokohama iyo Brussels,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Sidoo kale, madaxweynaya ayaa yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay mudnaan siisay arrimaha amniga, xasilinta dalka, dib u eegista dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka iyo dimoqraadiyeynta dalka oo aan hiigsanayno in doorashooyin ka dhacaan dalka 2016-ka.”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:



Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay si fiican u socdaan howlgallada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab uga saarayaan deegaqanno ay ku hareen, ujeeddaduna tahay in Al-shabaab laga sifeeyo Soomaaliya si shacabka loo siiyo fursad ay aayahooda uga tashadaan.”

 “Britain waxaan ka sugeynaa inay qorshaha xasilinta dalka kaalin fir-fircoon ka qaadato, si dowladda Soomaaliya ay goobaha la xorreeyay u gaarsiiso gurmad deg-deg ah, loona sameeyo maamullo KMG ah, lana dhiso hay’adihii ammaanka, garsoorka iyo maamulladii degmooyinka. Sidoo kale qorshaha xasilinta ayaa ka mid ah in shacabka Soomaaliyeed la dhex-dhigo dib u heshiisiin waarta, isla markaana ay qayb ka qaataan dimuqraadiyeynta dalka,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.

Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain oo ka qayb-galay xaflad uu shacabka kula hadlayay ayaa sheegay inay dowladda Britain ka go’an tahay inay taageerto dowladda Soomaaliya si ay dalka u gaarsiiso doorashooyin 2016-ka. Waxuuna ballan-qaada inay dowladda Britain taageereyso ciidanka Soomaaliya sida XDS iyo booliska, isla markaana ay doonayso in horumarka ballaaran ee laga sameeyo amniga iyo xasillinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha ar-gagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Britain ay qayb weyn ka qaadatay sidii ay uga bixi lahayd Soomaaliya dhibaatada ay muddada dheer kusoo jirtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya