4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Qarax Dhimasho iyo Dhaawaca Sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen qarax lagu xiray mid ka mid ah baallayaasha ku shaqeeya cad-ceedda ee ku yaalla jidka wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Kaasa-bobolaare ee degmada Hodan ayaanay jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, balse mas’uul ka tirsan maamulka degmada Hodan ayaa sheegay in qaraxa lagu xiray nalka.

“Wiil farmashiye leh iyo qof kale ayaa ku dhintay, shan kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, waxaana qaraxa lagu xiray nalalka cad-ceedda ku shaqeeya,” ayuu yiri mas’uulka u hadlay maamulka degmada Hodan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay dhammaantood ahaayeen dad shacab ah oo ka ag-dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, iyadoo dhaawacyadii la dhigay isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Falkan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa falalka ka dhaca Muqdisho, isagoo kusoo beegmaya xilli maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay Muqdisho kusoo qul-qulayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii degmada Kaaraan lagu dilay laba sarkaal oo ka mid ah ciidamada nabadsugidda kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen ilaalada gaarka ah ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Illaa hadda ma jirto cid loo qabtay qaraxa lagu xiray baallaha ay ku xiran yihiin nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo dad shacab ah ay khasaare intaa le’eg kasoo gaartay qarax lagu xiray nalalka cad-ceedda ku shaqeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya