4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Kooxo hubeeysan oo laba askari ku toogtay bartamaha Magaalada Kismaayo

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Kooxo hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa saaka laba nin oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka ku toogtay xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in labada nin ay ugu galeen machad lagu barto luuqadaha oo ay xilligaasi wax ka baranayeen, waxayna toogteen labadan nin e ka tirsanaa ciidamada ammaanka oo kamid ahaa ardeydii wax ka baranrrydsy machadka.

Kooxihii dilka geystay ayaa durba goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halkaasi gaaray ciidamada ammaanka maamulka Jubba kuwaasoo goobta ka wada howlgallo baaritaanno ah.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka oo faahfaahin ka bixiyay weerarka lagu dilay labada askari, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya