4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Columbus oo laga sameeyay banaanbax looga horjeedo xad-gudubka Kenya


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Columbus ka dhacay banaanbax ay sameeyeen dhalinyaro
isugu jiro arday iyo kuwo ganacsataa, kuwaas oo ka dhiidhiyay dhibaatada xanuunka badan ee lagu hayo Soomaalida Islii iyo sida ciidanka Kenya ay ula dhaqmeen Hooyooyinka Soomaaliyeed ee guryahooda lagala soo baxay iyaga oo sharci ay dalka ku joogaan haysta.

Waxaa la soo bandhigay Boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo ka dhan ah dowlada Kenya iyo xad gudubka ay u gaysatay mid ka mid ah qowmiyadaha Kenya ku nool.

Banaanbaxan ayaan looga hadlay xadgudubka Guud ahaan Soomaalida ku haysta Dunida iyo sida loogu bahanyahay in isbadal ay helaan 22 sano kadib lana raadiyo wadiiiqooyin shacabka samata bixin kara.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay banaanbaxa ayaa ka ilmeeyay dhibka lagu hayo Soomaalida ku nool wadamo badan oo an tixgalin jiritaankooda iyaga oo taa badalkeeda ka dhigtay Ugaarta dabinka loo dhigto.



Waxa ay banaanbaxayaashu ugu baaqeen Dowlada Soomaaliya in aysan iska indho tirin dhibaatada dadkeeda lagu hayo ayna u xisaabtanto in ay qaran jira yihiin dadkoodana Tixgalin mudanyihiin.

Hooyo Soomaaliyeed oo goobta ka hadashay ayaa ku calaacashay " Qabiil qabiil dhaafa iyo Qaalibaa i dhalay dhulkeenii giniga iyo gaasku noogu jiray waxaa guranaya Gaal gaari noogu yimid " waxayna Hooyadan oo Da'ah ka qubanaysay Ilmo.

Xili qoraxdo kululayd hadana dhalinyaro ayay u badnaayeen dadkuu goobta soo gaaray.

Deeqo SONNA
Columbus, OH (USA)