4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
NIGERIA: Dad Badan oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Boosteejo (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in 71-qof  ayaa ku naf-waayay qarax ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla deegaan ku dhow magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria, iyadoo ay ku dhaawacmeen 124-qof oo kale.

Qof goob-jooge ah ayaa sheegay inuu meydka ay meel walba yaalleen, isagoo ku daray intaas inuu arkay dad jarjaran oo isugu jiray haween iyo rag iyo kuwo kale oo dhaawacyo culus ay ku yaalleen oo maydad ah.

Weriyeyaasha ayaa iyaguna sheegaya in loo maleynayo in weerarkan ay geysteen ururka Islaamiga ah  Boko Haram oo ka dagaalama dalka Nigeria.

Qaraxa ayaa qoday bohol weyn oo illaa hal mitir iyo labaatan ah, wuxuuna sidoo kale burburiyay in ka badan 30 baabuur oo yaallay meel baabuurta la dhigto oo ku dhow Nyanya oo ah halka uu qaraxu ka dhacay.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhintay u qaaday isbitaaladda deegaanka ku dhow, waxaana dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxan ay dhammaantood ahaayeen dad doonayay inay baabuur raacaan.

Haweeney goobjoog ah oo lagu magacaabo, Mimi Daniels oo ka shaqeysa Abuja ayaa u sheegtay wakaaladda waraarka Reuters inay sugeysay bas marka ay maqashay qarax weyn, kaddibna ay aragtay qiiq fara badan.

Sidoo kale, goobjooge ayaa isaguna sheegay inuusan arag wax sidaas oo kale ah. Isagoo sheegay inay ahayd wax aad iyo aad u xun. Wuxuuna xusay in qaraxaas uu ahaa mid xooggan.

Qof ayaa sheegay in bamka qaraxay lagu xiray basaska, isagoo raaciyay inay dad badan ku dhinteen meesha shilku ka dhacay. Dhaawacyada qaarkood ayuu xusay inay qabeen dhaawacyo halis ah.

“Dadka dhintay ma qiyaasi karo, way badanaayeen. Weli waxaan arkeynaa gaadiid gurmad ah oo meydad keenaya, marka laga gudbo dadka la geeyay isbitaaladda kale,” ayuu yiri howlwadeen caafimaad oo warbaahinta la hadlay.

Ururka Boko Haram ayaa dhowr goor oo hore weeraray magaalada Abuja, waxaana mid ka mid ah weeraradaas ay ku qaadeen xarunta Qaramada Miodoobay ee dalka Nigeria sannadkii 2011-kii.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya