4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Itoobiya oo loogu deeqay lacag iyo Mashaariic laga fulinayo Degmada Jig-jiga

Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Ismaamulka deegaanka Somalia Itoobiya ayaa hirgalinaya mashaariic horumarineed oo  laga fulinayo dhamaan gobollada kililka ,iyadoo arintan ay ka faa'iidaysan doonaan degmooyin muhiim ah sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda.

Magaalada Jig-jiga ayaa la sheegay in lagu qarash garayn doono qayb kamid ah lacag uu Bankiga adduunka ugu deeqay Itoobiya  oo gaaraysay 580 Million oo dollar ,taasi oo  loogu tala-galay in ay si isku wada mid ah  uga wada faa'idaystaan 44- magaalo oo ka tirsan Itoobiya.

"Magaalada Jig-jiga waxa loogu tala-galay in lagu hormariyo lacag gaaraysa 300 Milyan oo Bir shanta sano ee soo socota "ayuu yiri wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta ,dhismaha iyo warshadaha DDSI Axmed Cabdi Shugri oo ka hadlayay shir lagu qabtay magaalada Jig-jiga.

“Si gaar ah waxaa loogu dhisi  doonaa waddooyinka, suuqyada, buundooyinka iyo biyo mareenada," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo tilmaamay in shaqo badan ay dowladdu u taallo, isla markaana laga dhabayn doono qorshahan.

Xafiiska hanti-dhawrka DDSI & maamulka magaalada Jig-jiga ayaa iska kaashan doona hirgalinta mashaariicdan  ,waxaana la sheegay in degmooyin hor leh oo kililka ka tirsan laga hirgalin doono waddooyin casri ah iyo iskuuullo.

Ugu dambeyn, madaxda sare ee DDSI ayaa ugu baaqay qaybaha shacabka inay dowladda kala shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa arimaha, iyadoo lacagta ugu badan lagu qarash garayn doono magaalada Jig-jiga oo horumar ballaaran samaysay labadii sano ee ugu danbaysay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]