4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Turkiga iyo Kenya ku Heshiiyay inay Wadajir u xasilliyaan Dalka Soomaaliya


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa heshiis kula gashay Kenya sidii loo sugi lahaa ammaanka Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu dhigayo in booliiska labada dal ay xiriiro joogto ah yeeshaan si ay nabadda Soomaaliya u soo celiyaan.

Qodobbada heshiiskan dhexmaray dalalka Kenya iyo Turkiga ayaa wuxuu sidoo kale dhigayaa in labada dal ay iska kaashadaan xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, isla markaana uu Turkigu tababarro siiyo saraakiisha booliiska dalka Kenya, ayna ciidamadu si wadajir ah uga hortagaan falalka argagaxiso.

Heshiiskan ayaa wuxuu ka kooban yahay sagaal qodob oo ay labada dowladood saxiixeen, iyadoo saxiixa heshiiskan uu ka dhacay Turkiga, kaddib booqasho uu dalkaas ku tagay madaxweynaha Kenya, Uhuru Keyatta.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Gul ayaa saxiixay heshiiska, waxaana sidoo kale ay labada madaxweyne ka hadleen xiriirka ganacsi ee labada dal u dhexeeya.

“Waxaan ku heshiinnay go’aanno aan si dhow uga wada-shaqeyn doonno, gaar ahaan sugidda ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Kenyatta oo heshiiska kaddib la hadlay warbaahinta. Isagoo intaas ku daray in argagaxisadu ay halis ku tahay caalamka oo dhan, loogana guuleysan karo in si wadajir ah looga hor-tago.

Sidoo kale, madaxweynaha turkiga, Cabdalla Gul ayaa isaguna sheegay inay kala shaqeyn doonaan Kenya sugidda ammaanka iyo sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya.

“Turkigu waxay sameeyeen dadaallo lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale, waxaan qorsheynaynaa in door weyn ka qaadano arrimahan,” ayuu yiri Gul oo intaas ku daray in howlaha ay ka wadaan Somalia ay ka mid yihiin, gargaarka aadanaha iyo dib u dhiska waddooyinka, iskuullada iyo isbitaallada.

Dowladda Turkiga ayaa howlaha ay ka waddo Soomaaliya waxay billowday sannadkii 2011 markaasoo booqasho rasmi ah uu ku yimid Muqdisho, ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Sidoo kale Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay oo ay diyaaraddiisu duulimaad caalami ah ku tago Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in heshiiska Turkiga iyo Kenya uu qayb ka qaadan doono raadinta nabad ay hesho Soomaaliya. Sidoo kalena wuxuu hoosta ka xariiqay in Kenya ay qayb ka qaadan doonto dib u dhiska Soomaaliya.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka howlgala deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ku yaalla soohdinta ay Soomaaliya la wadaagaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya