4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Murashaxa Madaxweyne ee UCID oo Ottowa kula kulmay Taageerayaashiisa


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa xalay taageerayaasha xisbiga kula kulmay magaalada Ottawa ee dalka Canada, isagoo ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Somaliland.

Jamaal ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso shacabka Somaliland, taasna ay u baahan tahay in gacan laga wada geysto, wuxuuna xusay in dhalinyarada ay u baxaan intooda badan tahriib iyadoo la maareyn karo.

"Calaamka lacag meel iska jiifto ee waa laga shaqeysiiyaa. Haddaba lacagta iska yaalla xawaaladaha Somaliland waxay gaaraysaa 300 oo milyan oo doollar, waxa loo baahan yahay waa in laga shaqeysiiyo, si dadka ay uga faa'iideystaan," ayuu yiri Jamaal.

Sidoo kale, murshaxa ayaa sheegay in haddii ay maamulka Somaliland loo doorto ay dadka talada wax ka wadaajin doonaan, isagoo xusay in ujeedkooda uusan ahayn inay iyagu isku koobaan howlaha dowladda oo dhan.

Dhanka kale, Jamaal ayaa ku boorriyay dowladda Somaliland inay xaq-dhowrto mucaaradka oo aysan oran mucaaradku waxba ka qaban karaan ee innaga oo keliya ayaa qaban karna.

Khudbadda murashaxa oo ahayd mid dheer ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo aad u fara badan oo ay ka mid yihiin sidii ay ugu guuleysan lahaayeen doorashada soo socota ee madaxnimada Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen waa aqoonyahan cilmiga dhaqaalaha ka bartay jaamacadda Harvard oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan calaamka oo ku taalla dalka Mareykanka, wuxuuna u taagan yahay doorashada madaxweynenimo ee Somaliland isagoo ka socda xisbiga uu ka tirsan yahay ee UCID oo ka mid ah axsaabta mucaaradka Somaliland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya