4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Xuska Iskuul ay wax ku Bartaan Agoon iyo Dan-yar oo lagu Qabtay Xuddun


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la furay iskuul ay wax ku bartaan dadka danta yar iyo agoonta ayaa lagu qabtay maanta degmada Xuddun oo 83-km waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dugsiga hoose ee Ilays oo ay haatan dhigtaan arday gaaraysa 200 ayaa waxaa sannadkii hore furay qaar ka mid ah waxgarad degmada Xudun, taasoo ay uga dan lahaayeen inay waxbarasho helaan ubadka waaliddiintoodu aanay awoodin inay ka bixiyaan lacagaha waxbarashada.

Axmed Cali faarax oo ka mid ah guddiga iskoolka maamula ayaa sheegay inay ku kaliftay kaddib markii ay arkeen carruurta magaalada joogta tiradooda aan waxbarasho helin iyo sababta keentay inay tahay dhaqaale la'aan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, Axmed wuxuu intaas ku daray inaysan jirin cid ku kabta dhaqaale oo aan ka ahay macallimiinta iyo guddiga oo rajo ka qaba inay heli doonaan cid gacan ka geysata mustaqbalka carruurtaas.

Maamulka Iskuulka, Mustafe Cali ayaa isna sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay ardaydan u gaarsiin lahaayeen heer waxbarasho oo wax tara, balse ay arrintaas adkaanayso haddaan la helin gacan caawisa.

Magaalada Xudun oo ay horay ugu yaaleen dugsi hoose, dhexe iyo sare ayaa waxaa lagu qiyaasaa ardayda aan helin fursad waxbarasho 50% tanina waxay wax badan ka taraysaa in caruuurta degmadaas ay hesho waxbarasho.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool