4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Dalka Kenya oo lagu Qab-qabtay Dad Argagaxisonimo looga Shakisan yahay

Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Boliiska Kenya ayaa ku qabtay magaalada Machakos oo 64-km dhinaca Koofur-bari uga beegan magaalada Nairobi ee dalka Kenya 53-qof oo lala xiriirinaayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Taliyaha booliiska magaaladaas, Joseph Keitany ayaa u xaqiijiyay warbaahinta maxalliga ah in raggan ay intooda badan u dhasheen Kenya, balse ay ku jiraan dad asalkoodu yahay Soomaali.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Wiliam Ruto ayaa ku dhawaaqay in dolwaddiisu ay diyaarisay 10,000 oo askari kuwaasoo ammaanka xaqiijinaya si looga hortago kooxaha islaamiyiinta ah oo damacsan inay weerarro ka geystaan Kenya.

“Wax wada-xaajood ah lama galeyno argagaxisada, waa inaan ula dagaalannaa sida ugu macquulsan si aan u soo afjarno,” ayuu yiri William Ruto.

Sidoo kale, Ruto ayaa sheegay in xukuumaddiisa aysan cabsi ka qabin weerro Al-shabaab ay ka geysato dalkooda, isla markaana ay ku kalsoon yihiin ciidanka booliiska ay hadda u diyaariyeen ka hortagga falalka argagaxisadu ay geysato.

Ururka Al-shabaab ayaa horay u sheegtay mas’uuliyadda weerarro lagu qaaday dalka Kenya; iyadoo tallaabadan ay tahay mid kor loogu qaadayo amniga guud ee dalkaas, si Al-shabaab aysan ugu dhiirran inay weerarro ka geysato Kenya.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalkaas ay ka socdaan howlgallo lagu qabqanayo dadka ay uga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin kooxaha ay ugu yeeraan argagaxisada.

Sidoo kale, magaalada Nairobi ayaa waxaa weli ka socda howlgallo Soomaalida ku nool xaafadda Islii lagu qabqabanayo, kuwaasoo 82-qof oo ka mid ah dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya