4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Hoos u dhac weyn oo ku yimid Ganacsiga iyo Ijaarka Xaafadda Islii, Nairobi


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ahayd meel uu ka socday ganacsi xooggan ayaa hadda u muuqata meel maran oo aanu ganacsi ka jirin, waxaana sidoo kale bannaan dhammaan jidadka xaafaddaas, kaddib markii ay ciidamada Kenya halkaa ka billaabeen howlgallo lagu raadinayo dadka aan sharciga haysan.

Weerar lagu qaaday makhaayado ku yaalla xaafadda Islii oo ay ku dhinteen lix  qof ayna ku dhaawacmeen tiro kale ayaa sababay howlgallada weli ka socda Islii, iyadoo tan iyo markii ay howlgalladu billowdeen la qabqbatay kumannaan Somali ah.

Bangiyada keliya ayaa si buuxda uga shaqeynaya waddada xaafadda oo 25 rug oo kuwa ganacsiga ah ay ku yaalleen, kuwaasoo xiran iyadoo xaafadda oo dhan ay tahay mid faaruq ah.

Goobaha ganacsiga ee deegaanka ayaa bishii laga heli jiray 100 Milyan oo doollar balse haatan uu dhaqaalahaas hoos u dhacay 70%  tan iyo markii howlgallada ka socda Islii ay billowdeen.

"Dhamaan ganacsatada way xireen goobahooda ganacsi si looga fogaado in boob ay kula dhaqaaqaan ciidamada, waayo ma jiraan macaaliim imaanaysa iyadoo ay xaaladdu sidan tahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha ganacsatada Islii, Xasan Guuleed.

Sidoo kale, waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid ijaarka guryaha iyo hoteellada, iyadoo qolkii laba sariirood ay taallo oo horay loogu kiresan jiray 15,000 oo Kenyan Shilling ah hadda waxay hoos uga dhacay 10,000 oo shillinka Kenya ah.

Ijaarka guryaha isku xiran ee Apartment-tiga loo yaqaan ayaa iyagana aad hoos ugu dhacay. Taasoo loo sababeeyay howlgallada ay ciidamadu ka wadaan Islii oo ahayd goob ganacsi xooggan uu ka socday.

Howlgallada ayay ciidamada Kenyaku sheegeen inay tahay mid lagu doonayo in dalkooda looga saaro dadka aan sharciga haysan, kuwaasoo ay sheegeen inay ka yihiin qayb dhibaatooyinka amni-xumo ee ka jira Nairobi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya