4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Ciidammo ka tirsan Dowladda Somalia oo xalay lagu dilay Degmada Kaaraan

Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Laba sarkaal oo ciidamada nabadsugidda ka tirsan iyo askari booliis ah ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo maamulka degmada uu sheegay inay dilka saraakiisha nabadsugidda u qabteen laba qof oo lagu tuhmayo.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laba qof ay u qabteen dilka saraakiishan, isagoo sheegay inay labadan qof yihiin kuwo si aad ah loogu tuhmayo dilka.

“Dilkan waxaa ka dambeeyay Al-shabaab oo markii ay awood kale waayeen dadka jidadka u galaya, balse laba nin oo lagu tuhunsan yahay labadii sarkaal gacanta ayaan ku dhintay, labada sarkaal ee la dilayna waqtigooda ayaa dhammaaday,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaaraan.

Labada sarkaal ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Axmed Sheekh Cabdalla iyo C/raxmaan Cali Cabdi, iyadoo dilka saraakiishan uu kusoo beegmayo xilli la bedelay guddoomiyihii hore ee degmada Kaaraan.

Dhanka kale, askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa isagana xalay lagu toogtay xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen inay toogteen rag bastoolado ku hubeysan.

Inkastoo aysan noo suuro-gelin inaan helno magaca askari la toogtay ayaa hadana waxay noqonayaan tiradii ugu badnayd oo ciidammo ah oo habeen qura lagu dilo degmada Kaaraan tan iyo markii uu maamulka cusub ee gobolka Banaadir si rasmi ah ula wareegay maamulka.

Ma jirto cid sheegatay dilalka saraakiisha, marka laga reebo in maamulka uu ku eedeeyay dilalkan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia, iyadoo kooxdan ay horay u sheegtay inay ciidammo howlgallo fulin kara ay ugu sugan yihiin Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya