4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Hay'adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo Ururka Isbaheysiga Soomaalida Sweden oo kulan muhiim ah yeeshay (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo wada-qaban-qaabiyeen ururka Isbaheysiga Soomaalida Sweden iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa waxaa uu ka dhacay degmada ay Soomaalida ku badan tahay ee Kista ee dhacda Waqooyiga-galbeed magaalada Stockholm.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey warbixin kala qaadasho ku saabsan Barnaamijka Migration for development in Africa-Sweden (MIDA-Sweden) oo ah Barnaamij ay dhaqaale ahaan tabataabto dowladda Sweden oo loogu talo galay in dadka Soomaaliyeed ee aqoonta leh lagaga soo wado qurbaha ay ku nool yihiin si inta dalka dib loo geeyo ay ugu shaqeeyaan bulshada u baahan adeeggooda.

Kulanka ayaa ugu horeyn wuxuu warbixin ka dhegeystay Andrea Sebastiano oo ah Madaxa Mashruuca MIDA-Sweden ee Soomaalia ee Hay’adda IOM iyo C/raxmaan A. Maxamed oo ah Sarkaalka qeybta caawinta hab-nololeedka bulshada (livelihood officer) ee hay’adda IOM, kuwaas oo ka qeyb galayaasha u sharaxay hawlaha ay Soomaaliya ka qabtaan, sidii ay ku bilaabeen, guulaha ay gaareen iyo caqabadaha hor yaalla, taas oo noqtay warbixin ay aad u soo dhoweeyeen ka qeyb galayaasha.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA:

C/raxmaan oo ka mid ahaa qurba-joogta dalka Norway, muddo 25 sano ahna dalkaas deganaa inta uusan Soomaaliya dib ugu laaban ayaa wuxuu waayo aragnimadiisa la wadaagay ka soo qeyb galayaasha oo u badnaa aqoon yahan laga soo xulay Soomaalida Sweden, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay hawlaha uu ka hayo Soomaaliya, isagoo sida uu sheegay markii ugu horreysayna ka hawl galay xerada dhadhaab, kaddibna gobalada Somaliland, Puntland iyo Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixin dheer muuqaalo wadata halkaasi ka jeediyay Andrea Sebastiano oo ka socday IOM’ta, wuxuuna ka qeyb galayaasha u soo bandhigay sida ay horumarinta ugu sameeyeen xafiisyada Dowladda iyo kuwa maamulada kale ee dalka ka jira .

Andrea waxa uu ku dheeraaday sida ay Hay’adda IOM uga go’an tahay in ay gacan ka siiso dowlada Soomaaliya dhismaha iyo horumarinta hay’adaha muhiimka ah ee dowlada.

Aqoonyahanadii ka soo qeyb galay kulanka ayaa su’aalo dhawr ah la wadaagay mas’uuliyiintii ka socotay hay’adda IOM’ta. Ugu dambeyntii waxaa shirkaasi hadal qiimo leh oo dhaxal gal ah ka jeediyey guddoomiyaha ururka isbahaysiga Soomaalida Sweden Cabdi-nuur Ciise.

Cabdinuur wuxuu u soo jeediyay hay’adda IOM’ta in ay xafiis ku yeelato dalka Sweden maadaama dalka Sweden oo ah dalka bixiyey mashruuca ay degan yihiin in kabadan 30 kun oo Soomaali ah oo heysata dhalashada dalka Sweden, si ay u sahlanaato in ay fursado shaqo helaan aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Sweden, kuwaas oo diyaar u ah in ay aqoontooda iyo khibraddooda dib ugu celiyaan Soomaaliya.

Sanadkii hore ayey aheyd markii masuuliyiin ka socota Hay’adda IOM ay yimaadeen dalkan Sweden iyagoo kulamo la yeeshay hay’adda SIDA ee dhanka horumarinta caalamiga ah u qaabilsan Sweden iyo weliba ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden. Hay’adda SIDA ayaa ka mid ah hay’adaha maalgeliya mashaariicda IOM’ta ay ka wado Soomaaliya, kuwaas oo ay muhiim tahay in ay ka qeyb waataan Soomaalida Sweden.