4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Wafdiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday goobo muhiim ah oo ku yaal Kismaayo

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) - Wafdigii uu hogaaminayay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Max’ed ayaa maanta booqday goobo muhiim ah oo ku yaal magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin Xaruntii hore ee caymiska, Isbitalka guud ee degmada Kismaayo, Dekedda iyo goobo kale oo muhiim ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa intii aysan ka ambabixin xarunta madaxtooyada Kismaayo a isaga iyo madaxweeynaha maamulka Jubba waxay si wadajir shir jaraa’id ugu qabteen xarunta madaxtooyada.

Ugu horeyn hogaamiyaha maamulka Jubba oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamul ahaan mudadii ay jireen ay wax badan ka qabteen dhinacyada horumarka iyo dib u dhiska degmada Kismaayo, wuxuuna dowladda Soomaaliya ku dhaliilay in ay ka gaabisay kaalinteedii ku aadanayd dhaqangelinta heshiisyadii ay maamulka Jubba iyo dowladda ku kala saxiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

Masuulkan ayaa sidoo kale ku dhaliilay dowladda in ay ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd Jubooyinka sida qalabeynta ciidamada, isagoo sheegay in mar walba wafdi uu yimaado Kismaayo dibna u laabto iyada oo aan wax la qaban, wuxuuna ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay magaalada Kismaayo ka dhisato xarun ay ku shaqeeyso, isagoo sheegay in dowladda ay tahay in aysan ku ekaan Muqdisho oo qura.

Ra’isul wasaaraha oo intaa kadib goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn sheegay in uu magaalada Kismaayo ka dhisi doono xarun ay ku shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday in booqashadoodan ay ka badalnaan doonto kuwii hore islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii ay ujeedooyinka imaatinkooda uga miro dhalin lahaayeen.

Intaasi kadib ayaa wafdiga ra’isul wasaaraha waxa uu booqday xaruntii hore ee Caymiska oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay, isbitalka guud ee degmada Kismaayo, xarunta wasaaraddii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya oo iyana dib u dhis lagu sameeyay, waxaana si guud looga warbixiyay dhamaan goobihii uu booqday.

Ra’isul wasaaraha ayaa dhinaca kale xariga ka jaray bangiga dhexe ee degmada Kismaayo, kaasoo dhawaan dayactir lagu sameeyay kadib mudo ka badan 23 sano oo uu burbursanaa, wuxuuna intaa kadib booqday marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, halkaasoo uu warbixinno uga dhageystay maareeyaha dekedda mudane C/laahi Dhubad Shiil (Xadhuun).

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa habeenkii labaad ku hoyana magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in uu sii joogo doono inta ay uga dhamaanayaan arimaha uu u yimid halkan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.