4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Wafdi uu Hoggaaminayo Jawaari oo maanta gaaray Talyaaniga (SAWIRRO)


Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Rome, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Fiumicino Airport mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga, safiirka Soomaaliya ee Roma iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga.

Booqashadan wafdigan ayaa qaadan doonta muddo shan maalmood ah, waxayna ka dambeysay kaddib markii uu casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa Talyaaniga, iyagoo kawada hadli doono xiriirka labadan baarlamaan.

Mudane Jawaari oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Rome ayaa sheegay in booqashada isaga iyo wafdigiisa ay ku joogaan Talyaaniga ay dhidibada u aasi doonto wada-shaqeyn iyo iskaashi dhexmara baarlamaannada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Maalinnimada barrito ah guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa waxay kulan la qaadan doonaan xildhibaanno ka kala socda xisbiyada Talyaaniga, guddoomiyaha aqalka sare iyo guddoomiyaha baarlamaanka Talyaaniga, iyagoo sidoo kalena uu guddoomiyuhu booqan doono magaalooyin taariikhi ah oo ku yaala Talyaaniga oo ay ka mid tahay Napoli.






Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya