4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Hay'adda ELMAN oo Xirfado kala duwan bartay Dhallinyaro Soomaaliyeed


Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Xarunta ELMAN ee Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta xaflad lagu soo xirayay tababar muddo u soo socday dhallinyaro oo isugu jiray gabdho iyo wiilal, kuwaasoo waxbarashadoodu soo billaabatay sanadkii tagay, waxaana dhallinyaradaas la baray xirfado kala duwan oo kala ah:  faryaamo, dacatirka mobile-lada, barashada kumbuyuutarka, maamulka, tubbooyinka  iyo dabka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka garsoorka iyo dastuurka, Faarax Sheekh Cabduqaadir, wasiiradda howlaha guud iyo dib u dhiska, Nadiifo Maxamed Cismaan, xildhibaanno, madaxda hay’adaha samafalka, waaliddiinta ardaydii wax la baray, cayaartoyda kooxda Elman iyo marti sharaf kale, waxaana mashruucan hir-geliyey xarunta nabadda ELMAN.

Guddoomiyaha hay’adda Elman, Fartuun C/salaan Xaaji Aadan oo si weyn ugu dheeraaday qaabkii uu ku billowday mashuurca oo loogu talo-galay in dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro shaqooyin si ay mustaqabalka wax ugu tarto, waxayna u mahadcelisay inti ka gacan siisay hirgelinta mashruucan oo ay sheegtay inuu soo socday illaa sannadkii 2013-dii.

“Waxaa caddeynayaa inuusan dhiman Elman, mashruucan oo ah kii uu dhidibada u taagay oo maanta ay ka qalin-jabinayaan ardey fara badan oo isugu jira gabdho iyo wiilal,“ ayay tiri Fartuun Cabdisalaan oo u soo jeedisay dowladda Soomaaliya inay dhallinyarada Soomaaliyeed shaqooyin u abuuraan maadaama hay’adda Elman ay bartay xirfado ay ku shaqeysan karaan, kuna maareyn karaan noloshooda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Maxamed Kuulow oo ahaa madaxa mashruucaan oo halkaas ka hadlay ayaa wuxuu isna sheegay in arday gaaraysa 3,00 ay ka faa’iideysteen mashruucaan xirfadaha kala duwan lagu baranayay, wuxuuna xusay in muddadii ay socotay waxbarashada ay ardaydu ahaayeen kuwa ay ka go’nayd inay wax-bartaan isagoo u mahadceliyay intii ka qayb-qaadatay inuu mashruucan hirgalo; sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay guddooomiye ku xigeenka naadiga Elman, Cabdulaahi Maxamed Guure oo isaguna faahfaahiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray naadiga ELMAN.

Guddoomiye ku xigeenka ururka Qaranka haweenka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi ayaa iyadana u mahadcelisay intii isku soo dubaridday in dhallinyaro intaan ah loo tababaro xirfado kala duwan, sidoo kale waxay sheegtay in dowladda Somalia looga baahan yahay inay xoogga saarto sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen shaqooyin si ay uga badbaadaan tahriibka iyo dagaallada. 

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo munaasabadda ka hadley ayaa sheegey in ay qabatay howl muhiim u ah dalka maadaama ay shaqooyin u abuurtey dhalinyaro fara badan, wuxuuna kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed inay dalkooda aaminaan oo ay qalbigooda ka saaraan u han-qal taagga dibadda maadaama uu dalkoodu yahay dal barwaaqo ah.

Waxaa kaloo halkaas ka hadashay wasiiradda howlaha guud iyo dib u dhiska Nadiifo Max’ed Cismaan oo kula dardaarmay dhallinyaradii gabdhaha iyo wiilasha ahaa ee dhameysatay waxbarashada inay ka faa’iideystaan waxbarashadooda oo faa’iido weyn ugu jirto bulshada Soomaaliyeed siiba dhllinyarada Soomaaliyeed oo xilliyadii dambe ay soo wajahday shaqo la’aanta.   

Ugu dambeyn, waxaa halkaa ka hadlay wasiirka garsoorka iyo dastuurka, Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ugu horreyn u mahadceliyay hay’adda ELMAN, isagoo intaa ku daray inay qabatay howl loo baahnaa oo xilligeedii kusoo beegmay, waxaa kaloo uu sheegey in dowladda Soomaaliya ay taageero siin doonto hay’adda ELMAN.

“Dowladdu waxay ballan-qaadaysaan in shaqooyinka dalka laga helo ay mudnaanta siin doonto muwaadinka Soomaaliyeed; halka shisheeyaha la siin jiray mudnaanta; waxaana u soo jeediyay hay’adaha kale inay ku daydaan hay’adda ELMAN,“ ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Xarunta tababbarka lagu soo gabagabeeyay ayaa ahayd halkii uu ku shaqeyn jiray Elman Cali Axmed iyo goobtii lagu dilay, iyadoo mas’uuliyiinta Elman ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in dib loo holwgeliyay xaruntaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya