4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Ra'iisul wasaaraha oo booqday dekeda Kismaayo iyo goobo kale (SAWIRRO)


Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeeray qaybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo baarlamaanka iyo wasiirrada maamulka Jubba, dekedda, isbitaalka guud, iskool hoose/dhexe ee Ganaane iyo dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha, isagoo dhanka kale xariga ka jaray Banki uu yeelan doono maamulka Jubba.

C/weli Sheekh ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay madaxweynaha Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madoobe, wasiirro iyo xildhibaanno, waxaana intii uu ra'iisul wasaaruhu booqanayay xarumahan uu u kuur-galay xaaladda ka jirta.

Ra'iisul wasaaraha ayaa markii uu kormeerka ku tagay isbitaalka guud ee Kismaayo wuxuu warbixinno ka dhageystay dhakhataatiirta iyo howlwadeennada isbitaalka, waxayna ka codsadeen taakuleyn deg-deg ah oo dhanka daawada ah, isagoo u balan-qaaday in wasiirka caafimaadka Somalia uu booqasho ku iman doono magaalada Kismaayo si wasaaradda caafimaadku ay taakuleyn deg-deg ah ugu fidiso isbitaalka.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha ayaa amar ugu siiyay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya in lasoo gaarsiiyo magaalada Kismaayo raashin gar-gaar ah, isagoo khadka teleefoonka kula hadlay intii uu kormeerka ku jiray wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana raashinkan lagu soo daabuli doonaa doonyo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dhaka kale, ra'iisul wasaaraha ayaa xariga ka jaray Bankiga maamulka Jubba oo la dhisay dhawaan, waxaana bankigani uu noqon doona mid shaqeeya oo la dhigayo lacagaha maamulka Jubba, si kharashaadka soo gala maamulka loogu isticmaalo nidaam hufan.

"Waan ku faraxsanahay horumarka iyo dib u dhiska uu maamulka Jubba ka wado magaalada Kismaayo," ayuu yiri C/weli Sheekh isagoo xusay shacabka Jubbooyinku ay dib u dhac ku jireen wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe, balse haatan loo baahan yahay inay horumariyaan deegaannadooda.

Ra'iisul wasaaraha ayaa kormeerkiisa kusoo gabagabeeyay dekedda Kismaayo, isagoo u kuur-galay xaaladda dekedda, waxaana ka muuqanayay burbur xoogan oo soo gaaray qaybaha ay kusoo xirtaan maraakiibta, isagoo balan-qaaday in dawladda federaalku ay ka qayb-qaadaneyso sidii dayactir loogu sameyn lahaa dekedda maadaama ay tahay goobta kaliya ee loogu adeego shacabka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka.

Ugu dambeyn, wafdiga ra’isul wasaaraha waxay booqday xaruntii hore ee caymiska oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay, iyadoo ra’isul wasaaruhu uu Kismaayo ku sugan yahay habeenkii labaad, isagoo sheegay inuu sii joogo doono inta ay uga dhamaanayaan arrimaha uu u yimid halkan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya