4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Madaxweynaha Puntland oo booqday deegaanno ka Tirsan Mudug (SAWIRRO)


Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanno u dhexeeya magaalada Gaalkacyo iyo degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada gole ee maamulka Puntland, guddoomiyaha gobolka Mudug, saraakiil ka tirsan madaxtooyadda Puntland iyo xubno kale.

Deegaannadii ay wafdiga madaxweynuhu booqdeen ayaa waxaa ka mid ah: Beyra, Teerage iyo Xero-jaalle, waxaana dadweynaha deegaannadaasi ay si diirran u soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa la hadlay dhammaan dadweynihii kusoo dhaweeyay deegaannadaas, isagoo uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay dadweynahaas ay u soo dhaweeyeen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa isla maantaba gaaray magaalada Gal-dogob oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Mudug, waxaana dadweynaha ku dhaqan magaaladaas ay si weyn u soo dhoweeyeen madaxweynaha Puntland iyo xubnihii la socday.

Madaxweynaha ayaa shacabka Gal-dogob uga mahad-naqay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada, isagoo booqday iskuulka Hoose/dhexe iyo Sare ee degmada Galdogob, Isbitaalka iyo saldhigga booliiska.

C/weli Gaas ayaa caawa ku hoyan doona Galdogob , isagoo kulammo kala duwan la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaas.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya