4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2014
Guddi Nabada ka shaqeeya oo laga dhisay degmada Beledweyne (SAWIRRO)


Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Kadib kulamo maalmihii ugu danbeeyay uga soconayay magaalada Beledweyne qeybaha bulshada iyo xubno ka socday Soomaali Youth Development Network, [ SOYDEN] ayaa ugu danbeyntii looga dhawaaqay guddi ka shaqeeya nabada magaalada Beledweyne.

Kulamada oo ahaa kuwo xiriir ah ayaa waxaa ka qeyb-qaatay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanno, dhalinyarro iyo haween ka kala socday afarta xaafaddood ee magaalada Beledweyne, kuwaa oo qeyb ka ahaa wadatashiga la xiriira dhismaha guddiga oo la sheegay in ay si toos ah ula shaqeyn doonaan maamulka degmada iyo bulshada qeybaheeda kale si looga wada qeyb-qaato nabada iyo dib-u-hishiisiinta.

Madaxa SOYDEN Cismaan Muxiyidiin Macalin ayaa HOL u sheegay in ujeedada laga leeyahay dhismaha guddigan tahay xalinta khilaafaadka iyo ka shaqeynta nabada.

''Arrimo badan ayaa u baahan in leys weydiiyo, tusaalle ahaan maxaa keenay in aysan wada shaqeyn maamulada jira iyo bulshada deegaannada maamuladaas ay ka jiraan, waxaa meesha ka muuqaneysa in bulshadu tahay mar walba u abaabulan hab qabiil, islamarkaana jirin bulsho isku xirran oo isku aragti  ah oo meel u wada socta, waan tan keentay in la dhiso guddigan,''a yuu yiri Cismaan Muxiyidiin Macalin.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ka hor inta aan la dhisin guddiga waxaa jiray aqoon-isweydaarsi iyo tababar loo qabtay xubno laga soo kala xulay qeybaha bulshada, oo mudadii uu tababarku socday is weydaarsaday afgaar iyo aragtiyo la xiriira nabada iyo dib-u-hishiisiinta iyo faa'iidada ay leedahay in la hello bulsho wada-jirta.

Munaasabada looga dhawaaqay guddiga waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta maamulka heer  gobol iyo degmo iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, oo siweyn u soo dhaweeyay dhismaha guddiga nabada oo ka kooban 21 xubnood.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada maamulka Max'ed Ibraahim Cali Sanbuur ayaa sheegay in  maamulka gobolka uga mahad celinayaan SOYDEN dhismaha guddigan oo sidda uu sheegay noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga sameeyo degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cabdi Bishaar Aadan oo isna hadal ka jeediyay munaasabada looga dhawaaqay guddigan ayaa sheegay in si toos ah u wada shaqeyn doonaan guddigan oo wax weyn ka taraya sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirka maamulka iyo bulshada inteeda kale.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa dhinacooda sharaxay baahida loo qabo bulsho isku xirran oo u abaabulan ka shaqeynta nabada iyo dib-u-hishiisiinta, iyaga oo ballan-qaaday in ay wada shaqeyn buuxda la yeellan doonaan.

Cismaan Muxuyidiin Macalin madaxa SOYDEN, ayaa sheegay in howsha guddigan uu taalla tahay mid baaxad weyn oo haddii si dhab ah looga howlgalo wax weyn ka tari karta xalinta khilaafaadka iyo hergalinta nabada oo muhiim u ah bulshada oo idil.

Waa markii ugu horeysay oo magaalada Beledweyne looga dhawaaqo guddi u taagan oo kaliya ka shaqeynta nabada iyo xalinta khilaafaadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya