4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Muun-gaab oo sheegay inay Muqdisho soo galeen Xubno Al-shabaab ka tirsan

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa markii ugu horreysay sheegay in Muqdisho ay kusoo qulqulayaan rag ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo kasoo caraya gobollada ay howl-galladu ka socdaan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Muqdisho ay ka wadaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan, isla markaana ay xog-ogaal u yihiin inay qaabab kala duwan kusoo galeen Muqdisho.

"Tallaabo ayaan ka qaadaynaa xubnaha Al-shabaabka ka tirsan ee Muqdisho ku soo qulqulaya," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka oo intaas ku daray inay kasoo raynayso xasilloonida Muqdisho marka loo eego sidii ay ahayd muddo sannado ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka deggen Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee ammaanka si looga hortago in gobolka Banaadir ay dhibaatooyin amni-darro ka dhacaan, isagoona xusay in had iyo jeer uu maamulkiisu dadaal ugu jiro sidii caasimaddu ay nabad u noqon lahayd.

Guddoomiyaha ayaa xusay in qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ay ka wadaan howlgallo sirdoon oo ay ku baadi goobayaan xoogagga Al-shabaab ee soo galay Muqdisho.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay sheegeen markii howlgalladu ay ka billaabanayeen gobollada dalka inay dhici karto in xubnaha Al-shabaab ay soo galaan magaalada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in laga hortago.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii ay ammaanka caasimadda ku adkeyn lahaayeen, iyadoo guddoomiyaha gobolka uu sheegay markii xilka uu la wareegayay in muhiimadda koowaad uu siinayo sugidda ammaanka Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya