4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Wasiirka Amniga Jubba oo sheegay in Amniga Kismaayo uu wanaagsan yahay

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga maamulka Jubba, Maxamed Warsame (Darwiish) ayaa sheegay in deegaannada Jubbooyinka ee ay ka taliyaan uu ammaankoodu soo hagaagayo, isagoo xusay in ammaanka Kismaayo ka jira uu la mid yahay midka ka jira gobollada dalka oo dhan.

Jen. Darwiish oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in Kismaayo ay ammaan tahay xilligan, ayna taas caddeyn u tahay booqashada uu ra’iisul wasaare C/weli ku yimid, isagoo intaas ku daray in ciidamadooda ay heegan buuxa geliyeen tan iyo inta ay wafdiga ra’iisul wasaaruhu ku sugan yihiin.

“Ammaanka Kismaayo wuxuu la mid yahay midka ka jira gobollada dalka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray inay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan xubno Al-shabaab ka tirsan oo falal ammaan-darro ah waday.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd amni-xumada ka jirta Kismaayo iyo waxyaabaha ka dhaca mararka qaarkood ayuu sheegay inay la mid yihiin kuwa ka dhaca dalka oo dhan, balse aysan Kismaayo oo keliya ku koobnayn.

“Maamulka Jubba waa mid aan si dhab ah cagihiisa isugu taagin, balse waxaan wadnaa dadaallo aan ammaanka ku xaqiijinayno,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray, isagoo intaas raaciyay in maamulkooda intii uu jiray ay ammaanka wax weyn ka qabteen.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa xusay in wafdiga ra’iisul wasaaraha ee booqashada ku jooga Kismaayo ay kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka, la dagaalanka Al-shabaab iyo horumarinta Jubbooyinka, ayna isku afgarteen.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo uu maamulka Jubba ku shaqeeyo ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal ammaan-darro oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsado ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiinta maamulka.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaar ka mid ah falalka ammaan-darro ee ka dhaca gobollada Jubbooyinka, waxaana ka mid ah qarax sannadkii hore ka dhacay magaaladaas lala beegsaday madaxweynaha maamulkaas Sheekh Axmed Madoobe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya