4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Al-shabaab oo Shaacisay in ay Ciidamada Itoobiya ka furteen Hub fara badan

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay maanta inay gacanta ku dhigeen hub badan ay lahaayeen ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM, kuwaasoo dhawaan ay kula dagaalameen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxa Al-shabaab ee gobolka Galgaduud, Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiya kaga qabsadeen dagaalladii dhawaan dhacay hub kala duwan, kuwaasoo ay ku jiraan qoryo casri ah.

“Qaramada Midoobay ha ogaato hubkii ay soo siiyeen ciidamada Itoobiya ee ay ugu talo-galeen in lagu laayo ummadda muslimiinta ah inuu gacanteenna soo galay. Ban Ki-Moon ha ogaado hubkii uu soo dhiibay inaan innagu haysanno,” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab.

Sheekha ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay soo hubesay Itoobiya kaas oo ay ugu talo-galeen inay kula dagaalanto Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in hubkaas hadda uu gacantooda soo galayo.

Dhawaanahan ayaa waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ka dhacayay dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ka socda ee qaybta ka ah AMISOM, kuwaasoo sababay dhimashada dad badan oo isugu jiray ciidammo iyo shacab.

Hadalka hoggaamiyahan ka tirsan Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo weli ay ka jiraan xiisado deegaanno hoos-yimaada degmada Ceel-buur oo ciidamada wada socda ay kala wareegeen Al-shabaab.

Gobolka Galguduud ayaa ka mid yahay gobollada ay ka socdaan howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM oo ku saabsan in hub fara badan ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab ee ay kula dagaalamayaan gobolka Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya