4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Dagaal culus oo Maanta ka dhacay Deegaanno u dhexeeya Yeed iyo Waajid

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanno hoos-yimaada degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu qarxay markii xoogagga Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Itoobiya kuwaasoo sahay u waday ciidamada ku sugan degmada Waajid.

Dagaallada oo socday shan saacadood oo xiriir ah ayaa waxay ka dhaceen deegaannada Buur-dhuxulle iyo Dhoodaan oo oo u dhexeeya degmada Waajid iyo Yeed dagaalladaas oo sababay khasaare nafeed oo fara badan.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhinteen inta la ogyahay 11-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka kalatirsan, iyadoo tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool ayaa laga soo xigtay in ciidamada huwanta ah ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigeen jidka isku xira Yeed iyo Waajid, halkaasoo ay horay Al-shabaab u xirtay si aysan sahayda ciidamadu u marin.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan dagaalka, iyadoo weli laga dareemayo deegaannada lagu dagaalamay xiisado colaadeed oo labada dhinac u dhexeeya.

Al-Shabaab ayaa go’doomisay degmooyin iyo deegaanno ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya kala wareegeen, iyadoo inta badan waddooyinka u gala gaadiidka sahayda u wada deegaannadaas iyo degmooyinkaas, qaasatan kuwa ciidamadu ay leedyihiin.

Gobolka Bakool ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ciidamada Itoobiya kula dagaalamayaan Al-shabaab, iyagoo bilihii lasoo dhaafay qabsaday degmooyin ay ka mid yihiin degmada Xudur oo xarunta gobolka ah iyo degmada Waajid.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya