4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Rag lagu tuhunsan yahay dhaawaca Xubno Turki ah oo Muqdisho lagu qabtay

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay laba ruux oo la sheegay in lagu tuhusan yahay inay ka dambeeyeen dhaawac Muqdisho loogu geystay laba injineer oo Turki ah, kuwaasoo dhisayay saafarad uu Turkigu ka dhisanayo degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada C/casiis Cismaan Muxyadiin ayaa sheegay in labadan qof ee la qabtay ay ka mid yihiin dad lagu tuhmayo inay dhaawaca injineerrada Turkiga ka dambeeyaan ayna ku xiran yihiin xarunta CID-da Muqdisho.

“Raggan waxay ka mid ahaayeen kuwo lagu tuhmayo dhaawaca oo habeenkii ay Jimuhu soo galaysay loogu geystay degmada C/casiis injineerro Turki ah, weliba baaritaanka wuu socdaa,” ayuu yiri Cismaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in raggan aysan ahayn kuwo lagu hubo inay dhaawacaas geysteen, balse shaki laga qabo lana baarayo, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan howsha baaritaanka.

Injneerradan Turkida ah ayaa lagu dhaawacay Muqdisho, iyadoo tani dowladda Turkiga ay dhaawacooda aad u cambaareysay, waxaana ay ka mid ahaayeen shaqaale Turki ah oo dhisayay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Dhaawacan ayaa waxaa sababay madfac lagu dhuftay goobtaas, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya sheegto inay dad lagu tuhmayo gacanta ku dhigtay.

Injneerradan Turkida ah ee la dhaawacay oo ahaa labo ayaa Jimcihii loo duuliyay dalka Turkiga si loogu soo daweeyo, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah uu qabo dhaawac culus.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya