4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Somaliland oo Itoobiya ka Raali-galisay saraakiil Itoobiyaan ah oo ay xirtay

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa raaligalin ka bixiyey Saraakiil Itoobiyaan ah oo dhowaan lagu xidhay magaaladda Gabiley.

Madaxweyne ku xigeenka oo safar ugu baxayey Itoobiya, ayaa warbaahinta u sheega inay ka xun yihiin falkaasi lagula kacay diblamaasiyiin Itoobiyaan ah oo lagu xidhay Somaliland, isla markaana uu xusay inay talaabo ka qaadeen cidii falkaasi ku kacday.

“Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa xidhiidh qoto dheer mana aha mid ku xumaanaya Arimaha yar lagula kacay saraakiisha oo si khalada u dhacay.waanu ka xunahay wixii ku dhacay saraakiishii reer Itoobiya, Dawladduna waxay ka qaaday talaabo adag cidii loo tuhmayay falkaas inay ku lug leeyihiin, waxaanuna hor geynaynaa sharciga”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo ka hadlayey xadhiga loo gaystay saraakiil  Itoobiyaan ah oo toddobaadkii hore lagu xidhay magaaladda Gabiley ee Somaliland.

Waxaanu intas ku daray “ Mar haddii aan masuul qaran ahay oo aan halkaas tagana masuuliyiinta Itoobiya waan ku qancin doonaa sidii wax u dhaceen iyo talaabada aanu ka qaadnay arintaasi”.

Khilaaf ayaa la sheegay inuu soo kala dhexgalay Somaliland iyo Itoobiya ka dib markii saraakiil Itoobiya oo sifo sharci ah kaga baxayey Somaliland ay ciidanka magaaladda Gabiley xidheen, isla markaana dhekomantiyadoodiina ka qaadeen, taas oo ka cadhaysiisay dawladda Itoobiyo.

Dawladda Somaliland ayaa arrintasi u xidhay askar uu ka mid yahay ilaaladdii maayirka Gabiley iyo xubno kale, iyadoo la baadhayo qaabka uu falkaasi u dhacay, taasina waxay keentay in madaxweyne ku xigeenku Itoobiya u tago sidii uu uga soo qancin lahaa khaladkaasi uu sheegay inay dhaceen.

Bishii hore ayey ahayd markii maayirka magaaladda Xarshin ee Itoobiya oo gudaha usoo galay xadka Somaliland ay ciidanka Amniga Somaliland xabsiga u taxaabeen, isla markaana muddo ku jiray xabsiga, kadibna uu xabsigii si hoose uga baxsaday kuna noqday dalkiisii.

Haseyeeshee ciidanka amniga ayaa wakhtigaas ku dooday in sifo sharci daro ah ugu soo gudbay Somaliland, isla markaana aanu soo ogaysiin imaanshiiyaha Somaliland, taasina ay keentay inay xabsiga u taxaabaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland