Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Maddaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta u joogi doona Soomaalia, Maxamed Al-Othman.
Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyay madaxwyanaha sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee safiirnimo. Isagoo yiri: "Dowladda Imaaraadka Carabta aad iyo aad bay ugu faraxsan tahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Imaaraadka sii xoogeysto. Dowladda Imaaraadka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka."
Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in Imaaraadku uu mashaariic horumarineed iyo gar-gaar bani'aadanimo uu ka wado Somalia, isla markaana ballan-qaaday in dowladiisu ka caawin doonto Soomaaliya dib-u-dhiska dalka.
"Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Imaaraadka Carabta oo safiir u soo diray Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay fursado u heli lahaayee,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in caalamku uu tusay kalsooni ay ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.
Ugu dambeyn, madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la'aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya