4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Ciidanka Somaliland oo kala eryay Arday ka Cabanayey Lacag lagu Kordhiyay


Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Ardayda jaamacadda Hargeysa ayaa maanta mudaharaad salmi ah oo ay kaga cabanayeen lacag lagu kordhiyey Fee-gii jaamacadda ay ciidanku xoog ku kala dareeriyey.

Ciidanka ayaa kala dareerinta ardayda u isticmaalay rasaas nool, inkastoo  ay cirka u ridayeen, kuwaas oo arday aad u faro badan u taxaabay saldhigyadda magaaladda Hargeysa.

Ardayda jaamacada Hargeysa ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey  waday cabasho ay kaga soo hor jeedaan lacag kordhin lagu sameeyey.

Ardaydan ayaa ku doodaya in lacag lagu kordhiyey ardayda jaamacadda, taas oo aanay awoodi Karin, waxaanay cabashadan ula tagayeen wasaaradda waxbarashadda, haseyeeshee inta aanay gaadhin wasaaradda ayey ciidanku ka hor joogsaday inay gaadhaan, ka dibna ay xoog ku kala dareeriyeen ardaydan.

Illaa hadda wasaaradda waxbarashadda iyo maamulka jaamacadda Hargeysa kama hadal cabashadan ardaydda, isla markaana wax dhibaato ah kama dhicin rasaasta ay ciidanku ridiyeen, inkastoo ardayda iyo wariyeyaal kalaba hawlgalkaasi lagu soo xidhxidhay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland