4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Madaxweynaha Somalia oo ka digay in federaalka loo adeegsado hab Qabiil

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka digay in nidaamka federaalka ah ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo loo adeegsado hab qabiil si loogu dumiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay soo baxayaan waxyaabo muujinaya in maamul goboleedyada dalka ka jira ay ka weecinayaan federaalka ujeeddada loo asaasay, taasoo uu ku sheegay in maamullada dalka ka jira ay u adeegsanayaan hab qabiil.

"Waxaan ka digayaa in nidaamka federaalka ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo loo adeegsado hab qabiil si loogu dumiyo dowladda dhexe," ayuu yiri madaxweyne Xasan oo intaas ku daray in maamulada dalka ka jira ay sameystaan maamul la jaan-qaadi kara habka federaalka oo dowladduna ay taageersan tahay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay ku midoobayaan dhammaan maamulada dalka ka jira, iyadoo laga amba-qaadayo federaaliisimka dalka ka jira, isagoo sheegay inaan la adeegsan ficillo muujinaya qabiil.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo maamullo badan oo iska soo horjeeda bilhii lasoo dhaafay looga dhawaaqayay gobollo ka mid ah dalka, kuwaasoo mowqif ahaan aad u kala fog, iyadoo maamul walba uu si gaar ah u sheeganayo inuu gobollo maamulo.

Maamullada la dhisayo ayaa waxay isku haystaan gobollada qaarkood, iyadoo taas ay tusaale  u noqon karaan maamullada laga dhisay magaalada Baydhabo, kuwaas oo wada-sheeganaya inay maamulaan gobollo ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya