4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in dib loo eegayo darooyinka Ciidamada

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhaliilo badan loo jeediyay qaab loo qaato darajooyinka ciidamada, mas’uuliyiinta qaarkoodna ay sheegayeen in darajooyinku ay noqdeen wax la iska qaato oo aan aqoon lagu bixin.

Wasiirka ayaa sheegay in sannadkaan 2014-ka ay wasaaraddu go’aan ku gaartay in dib u habeyn ay ku sameyso darajooyinka saraakiisha ciidanka aysanna jirin doonin in qof uu qaato wax darajo uusan mudnayn, isagoo ka dalbaday madaxweynaha iyo madaxda kale ee dalka inay arrintaa ku gacansiiyaan .

“Mudane madaxweyne waxaan rabaa inaan kuu sheego in wasaaradda ay go’aan ku gaartay in sannadkaan ay kala saarto saraakiisha ciidanka ee darajooyinka saxda leh iyo kuwa aan lahayn,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray inay tahay in la ilaaliyo nidaamka wax walba ha ku baxeene.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waxaan doonaynaa in jeneraalka saxda ah uu qaato xuquuqda uu mudan yahay, askariga isna sidoo kale. Arrintaasna waa mid aanu ku dhaqaaqi doonno dhawaan, waxaana weydiisanaynaa xukuumadda iyo baarlamanka inay nagu taageeraan fulinta howshan.”


Wasiirka ayaa soo hadal qaaday xuquuqda naafada iyo agoonta xoogga dalka oo iyaggu dhawaanahan cabashin ku saabsan inaysan helin xuquuqdooda marsiinyay qaar ka mid ah warbaahinta, isagoo inay daryeeyalaan naafada iyo agoonta xoogga dalka, sannadkanna ay wasaaraddu kordhinayso xuquuqdooda.

“Arrinta aan doonayo in la ogaado waa in wasaaraddu ay sannadkan qorsheynayso in xuquuqda naafada iyo agoonta aan kordhinno; waa arrin aan muhiimad gaar ah siinayno,” ayuu yiri wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in arrintan uu ku gacan-siiyo wasaaradda gaashaandhigga, sidoo kalena madaxweynuhu uu si cad u ogolaado fulinta arrimahan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya