4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 13, 2014
MADAXWEYNE XASAN: “Uma dul-qaadanayno in Somalida la dhibaateeyo”

Axad, Abriil 13, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay tacadiyada ciidamada Kenya ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, isagoo dowladda Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin in si xun loola dhaqmo  Soomaalida, isagoo sheegay in madaxda Kenya uu kala hadlay inaan lagu xadgubin Soomaalida, ciddii sharci haysatana lasii daayo, kuwii aan la hayn dalkooda lagu soo celiyo.

“Waxaan idiin sheegayaa runtii anigu madaxweynaha Kenya, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta intaba waan kala hadlay in la joojiyo ku tumashada shacabka magan-galyada ku jooga Kenya. Haddana waan leeyahay Kenya ha joojiso dhibaateynta dadka Soomaaliyeed, waxa Nairobi ka socda ma ahan wax loo dul-qaada karo. Dowladda Kenya hadday go.aan ku gaartay in dalkeeda ay ka saarto bulshada Soomaaliyeed annaga ayaa diyaar u ah inaan soo ceshanno hanoo sheegto,“ ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ay ilaaliyaan nabad-galyada iyo xasilloonida dalka ay ku nool yihiin, isagoo ka codsaday inay dadka kusoo dhex dhuumanaya ee amaan-darrada geysanaya u gudbiyaan ciidamada ammaanka.

“Dhibaatada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool iyo kuwa kale ee caalamka daafihiisa jira, waxaa mas’uul ka ah Al-shabaab, waayo iyagaa nabad-galyo darrada ay dalka uga carareen abuuray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka soconayay xad-gudubyo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed ee dalka ku dhaqan oo ay ciidamada ammaanka Kenya kula kaceen xarig iyo dhibaateyn kale.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo madaxda Kenya ay sheegeen inay sii wadayaan howlgallada lagu raadinayo kuwa xiriirka la leh Al-shbaab iyo dadka aan haysan sharci ay dalkaas ku joogaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya