4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Bankiyo ku yaalla Kenya oo la Shaaciyay in dhaqaale loo mariyo Al-shabaab

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 20 xisaabaad oo ku yaalla bangiyo ku yaalla Kenya looga shakisan yahay in laga maalgeliyo xubnaha Al-shabaab xiriirka la leh ee ku sugan gudaha Kenya.

Agaasimaha waaxda dambi-baarista Kenya ee (CID), Ndegwa Muhoro ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay koondooyinkan Jimcaha shalay lagu ogaaday inay xiriir la leeyihiin xubno ku sugan Kenya oo Al-shabaab taageera.

"Baaritaan aan sameynay waxaan ku ogaannay in koondooyinkan ah leeyihiin xubno taageera Al-shabaab, kuwaasoo dhaqaalahooda ku caawiya xubnaha aragagaxisada ah ee ku sugan Kenya, ayuu yiri Muhoro.

Sidoo kale, Muhoro ayaa xusay in ay xarunta warbixinnad lacagaha oo fadhigeedu Nairobi ay heshay macluumaad lagu kalsoonaan karo oo ku aabsan shaqsiyaadka looga shakisan yahay inay dhaqaalaha siiyaan argagaxisada Kenya.

Agaasimaha ayaa sheegay in shaqsiyaadka koodooyinkan leh la ciqaabo doono marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka, dhammaan koondooyinkoodana si rasmi ah loo xiri doono.

"Kani waa dagaal ah aan ku guuleysanayno,” ayuu yiri Muhoro oo intaas ku daray: “Ma jirto bulsho gaar ah ama dad gaar ah oo aan raadsanayno, balse baaritaankan waa mid saameyn doona dadka laga shakisan yahay oo dhan.”

Dhanka kale, Muhoro ayaa sheegay in hay'adaha nabad-sugidda Kenya ay isha ku hayaan masaajido dhowr ah oo ay ka mid yihiin Riyadh oo Nairobi ku yaalla iyo sidoo kale masjidka Sakina oo ku yaalla Mombasa kuwaasoo uu sheegay inay ka qorato Al-shabaab dagaalyahannadooda gudaha Kenya.

Hadalka Muhoro ayaa kusoo beegmaya iyadoo kumannaan Soomaali ah lagu xiray howlgallo ay ciidamada Kenya ka wadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, taas ay deggen yihiin Soomaalida ku nool magaaladaas.

Inta badan dadkan ayaa waxay ku xiran yihiin garoonka ciyaaraha ee Kasarani, iyadoo ay sidoo kale dadkaas qaarkood ku xiran yihiin saldhigyo ku yaalla Nairobi, iyadoo dadka aan sharciga lahayn dib loogu celin doono Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya