4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Xukuumadda Soomaaliya oo taageero weydiisatay dalka Imaaraadka Carabta

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa weydiisatay dowladda Imaaraadka Carabta inay qayb ka qaadato dib u dhiska dalka, kaddib kulan maanta ku dhexmaray Muqdisho wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo danjiraha imaaraadka carabta u jooga Soomaaliya, Maxamed Cismaan Axmed (Al-Hammadi).

Mudane Ducaale iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashi labada dal, wuxuuna ku ammaanay dowladda Imaaraadka taageereyso ay la garab-taagan tahay dowladda Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay qayb ka tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labadal dal.

Wasiirka ayaa ka hadlay isbedellada ammaan ee dalka ka jira, isagoo ka codsaday dowladda Imaaraadka Carabta inay si xoogan uga qayb-qaadato dib u dhiska dalka iyo horumarinta hay’adaha dowladda .

Kulankani ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ay xukuumadda Imaaraadka dib ugu soo celisay Soomaaliya ciidammo lagu soo tababaray dalkeeda, oo loogu talo-galay inay ilaalinayaan madaxtooyada iyo xarumaha muhiimka ah ee Muqdisho.

Danjiraha Imaaraadka Carabta oo isaguna hadlay ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu gacan ka geysanayo dib u dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay garab-taagnaadaan Soomaaliya inta ay cagaheeda isaga taagayso.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan weydiisatay dalalka calalamka inay gacan ka siiyaan dib nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, si ay Soomaaliya mar kale isugu taagto cagaheeda kaddib 22-sano oo colaado ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya