4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Madaxweyne Xasan “Ciidanku guulo lagu amaano ayay gaareen" (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galayay munaasabada xuska 54-guuradii aasaaska ciidamada xoogga dalka ayaa yiri sheegy in ciidamadu ay ku ammaanan yihiin guulaha dalka looga sifeynayo Al-shabaab.

Xuskan oo lagu qabtay wasaaradda gaashaandhigga ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ay ku jiraan saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee xukuumadda.

“Ugu horreyn waxaan leeyahay HAMBALYO dhammaan ciidanka Xoogga dalka iyo qoysaskooda oo ku aaddan sannad-guurada 54-aad ee aasaaskii ciidamada xoogga. Ciidamadu waxay leeyihiin taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeedna ay ku faani karaan. XDS waxay hormuud ka ahaayeen Afrika oo dalal badan ay ka xorreeyeen gumeystayaashii waagaas. XDS waxay nabad-illaalin u tageen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo ay xasiliyeen,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in XDS ay tababbaro siin jireen ciidamada dalalka Afrika oo aan heysanay saraakiil khibrad, aqoon iyo waayo-aragnimo u leh ciidanka. “Taariikhdaas wanaagsan waa inaan carruurteenna u sheegnaa oo lagu baraa iskuullada, isla markaana aan ku faanaa,” ayuu madaxweynuh hadalkiisa ku daray.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maanta ciidamada XDS ay ku jiraan dagaal cusub oo ay kula jiraan Al-shabaab. Madaxweynaha mar kale yiri: “XDS waxay hormuud ka yihiin howlgallada dalka ka socda oo ay maalin walba ka saraaan Al-shabaab, iyagoo kaashanaya ciidamada AMISOM, isla markaana si ay dadkii deegaannadaas ku noolaa u helaan nabad, xornimo, dowladnimo iyo inay aayahooda ka tashadaan.”

Madaxweynaha ayaa ku dhiirri-geliyay ciidamada inay sii wadaan guulaha joogtada ah oo ay soo afjaraan dagaalka lagula jiro argagaxisada, si dowladdu ay u hirgeliso qorsheyaasha horyaalla oo ay ka mid yihiin xasilinta dalka, dib u eegista dastuurka iyo hirgelinta barnaamijka dimoqraadiyeynta dalka si 2016-ka dalka loo hir-geliyo doorashooyin xor ah.

“Qorshaha xasilinta waa in dadka deegaanka ay helaan gargaar bani'aadanimo, maamulo KMG ah, hay'adaha amniga, garsoorka, dib-u-heshiisiin, maamul wanaag, adeegyada bulshada iyo dimuqraadiyeynta si dadku ay aayahooda uga tashadaan," ayuu mar kale yiri. Isagoo ku daray: "Waxaan rabaa inaan xuso Mareykanka oo si xoog leh u taageertay ciidankeena."

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha Al-shabaab ayaa yiri: “Waxaan fursad siineynaa dhammaan qof walba oo Soomaali ah qoriga dhiga diyaarna u ah inuu nabadeynta dalka ka qayb-qaato. Waan soo dhaweyneynaa, waxaana u diyaarinayn mashaariic ay bulshada uga mid noqdaan oo ay dalkooda u adeegaan.”

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxu  sheegay in dowladdu ay ka go'an tahay in doorashooyin dalka ka dhacaan 2016-ka, lana sii wado horumarka joogtada ah ee ciidamadu ku tallabsanayaan maalin walbo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha oo ka hadlayay falalkii Nairobi ka dhacayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa yiri: “Falalka ka dhacaya Nairobi waxaan kala hadlay madaxweyne Uhuru oo aan isla garanay in shacabka Soomaaliyeed la ilaalin doono xaquuqdooda oo sharaftooda iyo karaamadooda loo dhowrayo."

Mawaadinka Soomaaliyeed sharaftiisa iyo karaamadiisa waa lama taabtaan dowladu  waxay sii wadaysaa buu yiri dadaallada shacabka ku dhibaateysan dalalka dibadda sidii ay dalkooda ug soo laaban lahaayeen iyagoo xor ah ayna uga qaybtooda uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya