4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2014
Maamulka Minneapolis oo Meel-mariyay Maalinta Soomaalida Maraykanka

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Golaha deegaanka magaalada Minneapolis ee gobolka MN ayaa meel mariyay  maalinta maamuuska Soomaalida Maraykanka oo ku beegan 1-da bisha todobaad ,isla markaana ah maalinta xornimada Soomaaliyda iyo midowgii Koonfurta iyo waqooyiga dalka.

"Runtii muhiimad gaar ah ayey arintan noo leedahay ,qorshahan waxa u si rasmi ah uga yimid odayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada," ayuu yiri Cabdi Warsame oo ku jira golaha  degmada magaaladaas.

Waxa kaloo  Cabdi uu  sheegay in maalintan ay laba munaasabadood oo muhiim ah ay Soomaalidu xusi doonaan ,maadaama qurba joogta Maraykanka ay Soomaalidu  xubno fir-fircoon ka yihiin gaar ahaan gobolka Minnesota.

"Qiimaha dadkan waxa ay ahayd mid sii kordhaysay ,waayo waxa ay qayb ka yihiin dhamaan horumarada jira," ayuu mar kale yiri xildhibaan Cabdi oo in badan ka faalooday muhiimadda ay u samaynayso dadka Soomalida ah maalintan gaarka ah ee loo sameeyay .

Maalintan cusub ee la ansixiyay ayaa lagu wadaa in sanad walba laga xuso gudaha Maraykanka si ay Soomaaalidu u soo bandhigaan dhaqamada ay kaga duwanyihiin dadyawga kale ee dalkan, iyadoo si gaar ah loo maamuusi doono.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah bulshada Minneapolis ayaa soo dhaweeyay go'aanka, waxaana jira kuwa kale oo u ololaynayay in la sameeyo maalin gaar u ah bulsahda Soomaaliyeed ee maraykanka degan si ay dhaqamadood u soo bandhigaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]