4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Danjire Ameerika: “Ma Aqbalayno in Soomaalida oo dhan dambiile laga dhigo”


Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay inay ka caawinayso dowladda Kenya sidii ay ammaankeeda u sugi lahayd, balse ay ka codnsayaan inay la xannaaneeyo dadka howlgallada lagu xirxiray.

Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in aysan aqbalayn in Soomaalida oo dhan laga dhigo dambiilayaal shaki laga qabo. isagoo intaas ku daray in dadka la xiray oo dhan aan loo haysan argagaxisonimo, ayna ka digeen in lagu xad-gudbo.

“Waan ka taageeraynaa xukuumadda Kenya sidii ay ammaankooda ku sugi lahayd, balse ma ogolaanayno in dadkeenna la dhibaateeyo. Waxaan doonaynaa inaanay dadkeennu la kulmin wax caqabad ah, innaga ayaana diyaar u ah inaan dalkooda dib ugu celinno,” ayuu yiri dajire Ameerika.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka. Waxaana hadlaka danjiraha uu imaanayaa iyadoo toddobaadkii hore dib loogu soo celiyay Muqdisho 82-qof oo ka mid ah Soomaalida lagu qabqabtay Nairobi.

“Ma jiro qof qoxooti ah oo laga saarayo Kenya, haddii uusan isagu codsan. Innagoo ka haysanna xukuumadda Kenya caddeyn ah inaan qof qoxooti Soomaaliyeed ah aan dib loogu celin Soomaaliya isagoo aan codsan. Shaqsiyan aniga ayaa u raacay Muqdisho 82-kii qof ee lagu celiyay Soomaaliya, waxayna ii sheegeen inay kasoo kala jeedaan deegaanno kala duwan. Waxayna ku ogolaadeen in dalka dib loogu celiyo iyagoo aan haysan sharci ay halkaan (Kenya) kusii joogaan,” ayuu mar kale yiri dajire Ameerika.

Dhanka kale, danjiruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Kenya ay u ogolaatay inay dalkooda joogaan ardayda iyo ganacsatada haysata sharciyada saxda ah. Taasoo uu ku tilmaamay mid lagu farxo.

Tan iyo markii uu billowday howlgallada ka socda magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu soo qabqabtay 4,000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood lasii daayay, kuwo kalena ay weli ku xiran yihiin xabsiyada iyo garoonka Kasarani iyadoo 82-qof oo ka tirsan dadkaasna dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya