4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Xisbiga UCID oo ka hadlay Haweenay la dilay iyo qof lagu dhaawacay Berbera

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa u geeriyooday, mid kalena dhaawaca ayaa kasoo gaaray kaddib markii xalay nin rasaas ku furay goob dadku ku badnaayeen oo ku taalla degmada Berbera.

Wararka aanu ka helay magaaladda Berbera ayaa sheegaya in ninka rasaasta furay iyo dhalinyaro isku dhaceen taas oo keentay inuu iska difaaco dhalinyartaasi, isla markaana uu rasaastii uu furay ku dhacday mid ka mid ah dhalinyaraddii iyo haweenay suuqa iska joogtay.

Wiilka dhalinyarada ee rasaasta ku dhaawcmay ayaa magaciisa la yidhaa Sacad Maxamed Qabile waxaana dhalay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland.

Mas’uuliyiinta cisbitaalka Berbera oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in wiilkaasi xaaladiisa caafimaad fiicantahay, isla markaana qaliin lagu sameeyey, halka haweenaydii rasaastu ku dhacday isla goobtii ku geeriyootay.

Illaa hadda kama hadal xukuumadda iyo ciidamada amniga Somaliland, haseyeeshee waxay wararku sheegayaan inay arintani ka dambaysay khilaaf hore oo u dhexeeyey ninka rasaasta furay iyo xildhibaan Maxamed Qabile.

Dhinaca kale, xisbiga UCID ayaa cambaareeyey falkaasi ka dhacay Berbera, isla markaana sheegay in ninka rasaasta furay uu watay gaadhigii wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor, kaas oo  hore u weeraray xildhibaan Maxamed Qabilo oo ka tirsan xisbiga UCID.

“Falkaas ka dhacay magaalada Berbera markii la na loo soo sheegay  waxa uu ahaa mid aad nooga nixiyey,  gabadhii  nasiib darada ku dhimatay ee xabada xaq darada ahi dishay oo aanay  galabsan,  waxaanan ilaahay uga rajaynaynaa inuu janadii fardawsa ku casuumo eheladeedana uu samir iyo iimaan ka siiyo, wiilka uu dhalay xildhibaan Faarax Maxamed Qabile iyo ehelkiisa oo dhan waxaan leeyahay aad ayaan uga xunahay dhaawacaasi kaa soo gaadhay rasaasta ninkaasi soo furay”ayey tidhi marwo Faadumo Siciid oo ah xoghayaha dhaqaalaha ee xisbiga UCID oo ka hadlaysay falkaasi dhacay.

“Waxaa cajaa’ib ah oo aanu mar labaad la yaabanahay isaga oo xildhibaan Qabile maalintii lagu qaaday falkii hore lagu dili gaadhay eedeeyey wasiir ku xigeenka amniga  kuna tilmaamay mid falkaas lagu dili gaadhay lug ku lahaa,  maantana isla ninkii uu wato gaadhigii wasiir ku xigeenka amniga isaga oo falkii sameeyey, waxaanan jecelnahay inuu wasiirka amnigu cadeeyo, waxa ninkan gaadhigiisa u geeyey  waxa dawlada looga fadhiyaa inay cadayso  waxa ninkan oo fal hore sameeyey ilaa hada uu u hubaysan yahay.”ayay raacisay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland