4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2014
Al-shabaab oo beenisay in Kenyaan in muddo ay haysteen xoog looga furtay

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa benisay in xoog looga furtay laba ruux oo Kenyaan ah oo ay tan iyo sannadkii 2011 gacanta ku haysay, kaddib hadal ay milateriga Kenya ku sheegeen inay xoog ku furteen sarakiishaas shalay oo Jimco ahayd.

Kooxda ayaa sheegtay in labadan ruux ay muddo gacantooda ku jireen ayna iyagu doorteen inay qaataan diinta Islaamka, markaasna ay u ogolaadeen inay halkii ay doonaan aadi karaan.

“Muwaadiniintaan Kenyaanka ah Alle ayaa waafajiyay inay qaataan diinta Islaamka, waxaana lagu soo bandhigay munaasabad lagu qabtay masaajid ku yaalla degmada Baraawe, shalay ayaana geynay soohdinta dalkooda iyo Soomaaliya ay wadaagaan si ay dalkooda u aadaan, mana jirto cid xoog nooga furatay,” ayaa lagu yiri warka ay Al-shabaab soo saartay.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in warbaahinta ka maqleen dowladda Kenya oo sheegeysa inay xoog kusoo furatay labadaas ruux oo u afduubnaa Al-shabaab, iyagoo sheegay inay warkaas la yaabeen.

Warka Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in labadan nin ay magacyadoodii ka bedeleen ayna u bixiyeen Cabdullaahi iyo Cabdiraxmaan, waxayan kooxdu ku sheegtay hadalkeeda inay sii daayeen markii ay diinta Islaamka qaateen.

Labadaan nin ee kenyaanka ahaa ayaa laga soo afduubay sannadkii 2011 xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana labadooda ay u kala shaqeynayeen hay’adaha MSF iyo CARE International.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya