4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Xuka Aasaaskii Milateriga oo ka socda Muqdisho iyo Amniga oo la adkeeyay

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maant ka socda xuska maalinta aasaaskii ciidamada xoogga dalka, iyadoo la dkeeyay ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ku dhow-dhow wasaaradda gaashaandhigga.

Xuska ayaa lagu qabanayaan wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo lagu wado inay ka qaybgalaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidammo fara badan ayaa lagu arkayaa qaybo ka mid ah jidka warshadaha oo hormara wasaaradda gaashaandhigga iyo jidka soddonka, inkatsoo waddooyinka Maka Al-mukarama iyo jidka wadnaha ay si caadi ah u shaqeynayaan.

12-ka Abriil sannad walba ayaa Soomaaliya laga xusaa maalinta xoogga dalka, iyadoo sannadkan ay noqonayso 54-guuradii kasoo wareegay aasaaska ciidanka xoogga dalka, waxaana xusas kala duwan ay ka dhacayaan guud ahaan dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo abaanduulihiisa ayaa sheegay in xuskan uu ka duwan yahay kii ka horreeyay maadaama lagu qabanayo xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya, iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan.

Xuskan ayaa waxaa lagu wadaa in ciidamadu ay kusoo bandhigaan dhoolla-tusyo ka tarjumaya tababarradooda iyo sida ay uga go’an tahay inay uga qaybqaataan xasilinta dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya