4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Howlgallada ka socda Nairobi

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qab-qabanayaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay qab-qabashada ay ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida xaafadda Islii.

Wareysi uu ra’iisul wasaaruhu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in arrintan uu si gaar ah ugala hadlay madaxda Kenya, gaar ahaan madaxweyne-ku-xigeenka dalkaas William Ruto, wuxuuna xusay inuu u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintan loo soo afjari doono.

C/weli ayaa amni-darrada iyo weerarrada keenay qab-qabashada Soomaalida ku nool Nairobi ku eedeeyay inay ka dambeyaan kooxaha argagixisada ah oo uu ku sheegay kuwo doonaya inay xasilooni-darro ka abuuraan Kenya.

Toddobaadkii hore ayay ciidamada Kenya waxay ka billaabeen xaafadda Islii oo ay degen yihiin Soomaalida howlgallo lagu qabqabanayo, iyagoo qabqabtay 4,000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood loo soo dhoofiyay Soomaaliya, halka kuwii kalena ay ku xiran yihiin xabsiyada iyo garoonka ciyaaraha Kasarani.

Hadalkan ra’iisul wasaaraha Somalia ee ku aadddan dadka Soomaaliyeed ee lagu qab-qabanayo magaalada Nairobi ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay shalay golaha wasiirrada xukuumadda ay ugu baaqeen dowladda Kenya inay joojiso qab-qabashada lagu hayo Soomaalida.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa isaguna maanta sheegay inay sii soconayso musaafurinta dadka aan sharciga haysan ee jooga Kenya, taas oo uu ku sheegay mid lagu adkeynayo ammaanka Kenya.

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay daggan yihiin Soomaali fara badan ayaa waxaa ka socda toddobaadkii labaad howlgallo lagu qab-qabanayo Soomaalida ku nool xaafaddaas, iyadoo ay cambaareeyeen howlgalka hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay keeni karo cawaaqib xun, wuxuuna xukuumadda Kenya uga digay inay beegsadaan qowmiyadda Soomaalida oo kale iyagoo ku eedeynaya falalka argagaxiso ee dhacaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya