4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Diyaar-garow lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka socda Kismaayo (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Diyaar-garow ku aadan soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose, iyadoo maanta boqollaal dadweeyne ah oo isugu jira rag iyo dumar ay isugu soo baxeen fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismaayo.

Qaar kamid ah ururrada dhalinyarada ee ka dhisan degmada Kismaayo, ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweeyne kale ayaa isugu soo baxay halkaasi, waxayna kusoo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo weliba soo dhaweynta ay ugu talo galeen wafdiga ra’isul wasaaraha.

Dadkan oo qaarkood ku labisnaa dareeska hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya iyo weliba dhar ka sameysnaa astaanta qaranka Soomaaliyeed ayaa wejiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsanyihiin imaatinka wafdiga ra’isul wasaarha ee la filayo in magaalada Kismaayo uu soo gaaro maalinta berito ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Goobta ayaa waxa ka hadlay wasiirka arrimaha bulshada Jubba, Macallin Max’ed Ibraahim, wuxuuna sheegay in maanta ay halkan isugu soo baxeen sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen wafdiga ra’isul wasaarahe dalka ee la filayo in maalinta berito ah uu soo gaaro magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in ay ku faraxsanyihiin masuulkani uu Kismaayo yimaado.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka J/hoose C/rashiid Gooni oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay dadka goobta isugu yimid ay wadaan diyaargarow ku aadan soo dhaweynta wafdiga ra’isul wasaaraha, isagoo sheegay in ra’isul wasaare C/weli uu yahay masuul reer Jubbaland ah islamarkaana ay ku faraxsanyihiin inuu Kismaayo yimaado.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed Max’ed, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kale magaalada lagu soo rogay bandow.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya