4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
WILLIAM RUTO: Masaafurinta dadka aan sharciga lahayn waa lasii wadayaa

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Rutto ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonta maswaafurinta Soomaalida aan sharciga lahayn ee jooga dalkooda, kuwaasoo maalmihii dambe howgallo lagu qabqabanayay ay ka socdeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Rutto ayaa sheegay in masaafurinta dadka sharci-darrada ku joogo dalka Kenya ay sabab u tahaya ammaan-darrada kasoo cusboonaatay Kenya oo ay qayb ka yihiin sida uu sheegay dadka sharci-darrada ku jooga dalkiisa.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa xusay in howlgallada ay wadaan ciidamada Kenya ay sii socon doonaan illaa amniga Kenya la xaqiijinayo, isagoo aan ka jawaabin eedeynta ah in ciidamada Kenya ay bartilmaameed ka dhigayaan dadka Soomaaliyeed oo keliya.

Hadalka William Rutto iyadoo in ka badan 4,000 oo qof oo Somali ah lagu soo qabqabtay howlgallada ka socda Nairobi, kuwaasoo 82 ka mid ah dib loogu soo celiyay Soomaaliya. lana sheegay in tiro kale lagu soo celinayo Soomaaliya.

Soomaalida lagu qabqabanayo howlgallada ayaa waxaa lagu hayaan xabsiyo ku yaalla magaalada Nairobi iyo garoonka kubadda cagta ee Kasarani, iyadoo dadka lagu hayo halkaas laga soo sheegayo inay xaalado adag haystaan.

Afhayeenka booliiska Kenya ayaa isaguna sheegay inay howlgalladu soconayaan tan iyo inta dadka aan sharciga lahayn laga saarayo dalka, wuxuuse sheegay in kuwa qoxootiga ah ay ku wareejin doonaan UNCHR si ay dib ugu celiyo xeryaha qoxootiga ee Kaakuma iyo kuwa ku yaalla deegaanka Dhadhaab.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya inay si xun ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed ee howlgallada lagu soo qabqabto, waxayna ugu baaqeen Kenya inay ilaaliso xuquuqda shacabka ay ciidamadu qabtaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya